History of somalia and Where the word ”SOMALIA” came from?
Dadka dhirin-dhiriya taariikhda waxay sheegeen erayga ‘’Soomaali’’ in uu ka yimid laba eray oo isu tagay oo ah (Soo iyo maal), kuwaas oo ka kooban laba eray oo kala ah (Soo) oo ah ‘’Soco’’, iyo (Maal) oo ah ‘’Lis’’ taas oo noqonaysa (Soco -Lis), maxaayeelay waxay leeyihiin erayga(Soo) waxuu isu bedelay(Soco), sidoo kale waxay qaarkood leeyihiin(Soo) waa sac magaciis(Maal-na) waa (Lis) marka magacu waxuu noqonayaa(Saca Maal).
dadka sidaan aaminsan waxay leeyihiin erayga Soomaali waxaa bxiyay dadkii u soo ganacsi tagi jiray dalka Soomaaliya, sababtoo ah markaas waxay maqli jireen erayga(Soo maal), Kuwo kale oo wax baara waxay leeyihiin magaca (Soomaali) waxuu ka yimid eray carabi ah oo la yiraahdo (Duu-Maal)eraygaas oo macnihiisu yahay(Shacab xoolo badan leh), qaar kale waxay ku doodayaan eray kale oo ah(Samaa-la) oo macnihiisu yahay(Ninkii waranka dheeraa), si kastaba ha ahaatee dad kale oo baaritaan sameeyay ayaa yiri magaca(Soomaal) waxuu ka yimid ‘’Ab iyo isirkii’’ ay ka soo farcameen dadka Soomaaliyeed ee(Aw-samaanle).
Dunidu waxay u aqoon jirtay dalka Soomaaliya magacyo kala duwan waxaana ka mid ah:
- Dhulkii Eebbe
- Dhulkii Udgoonaa
- Geeska Africa IWM